1000 Guri oo laga dumin doono xaafadda Vollsmose ee magaalada Odense – Denmark

Shir ku saabsan guryaha xaafadda Vollsmose, ayaa waxuu ka dhacay hoolka shirarka ee Iskoolka H.C.Andersen oo ku yaal xaafadaas. Kulankaas waxaa soo qabanqaabiyey shirkada guryaha ee Civica.

Shirkada Civica, waxa ay soo bandhigtay qorshahooda ku saabsan duminta guryo ka mid ah kuwa xaafada Vollsmose, xaafadaas oo ay u badan yihiin dadka ajaanibka ah. Sidoo kale waxay shirkadu soo bandhigtay sawirro ay ku sharxayeen guryaha la dumin doono, iyo qorshaha dib u dejinta dadka guryahooda la dumin doono. Dad badan ayaa aad uga careysan qorshahaan duminta guryaha, waana qorshe ka yimid golaha baarlamaanka Denmark.

Wararka ayaa sheegaya in dawladda ka codsatey dawlada hoose ee magaalada Odense in la yareeyo tirada ajaanibka ee degan xaafadaas Vollsmose shirkada Civica.

Wararka naga soo gaaraya xaafada Vollsmose ayaa sheegaya in guryaha laga duminayo xaafadaas ay gaarayaan 1000 guri.

Granparken160

Lærkeparken136

Fyrreparken26

Egeparken191

Bøgeparken287

Birkeparken200

Wararka waxay intaas raacinayaan in duminta guryaha ay kala horeeyaan, kuwa u horeeyana waxay bilaabmi doonaan 2020

Sahan Radio