Doorashada golaha baarlamaanka Denmark oo lagu dhawaaqay ( 05-06-2019 )

Maalinti talaadada oo ay bishu ahayd 07-05-2019, Raisulwasaaraha Denmark Lars Løkke Rasmussen ku dhawaaqay in doorashada golaha baarlamaanka Denmark la qaban doono 05.06.2019

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dhammaan xisbiyada Denmark ay soo dhaweeyeen arrintaan, kuwaas oo sheegay in mudaba la sugayey ku dhawaaqista doorashada.