Xuska sanadguurada 59-aad ee maalinta xoriyada Soomaaliya ( 01-07-1960 )

Xuska sanadguurada 59-aad ee maalinta xoriyada Soomaaliya 1960

 

Maanta oo ah 1-da bisha Luulyo 2019 , waxaa ay ku beegantahay sannadguuradii 59-aad ee ka soo wareegtay xornimada Soomaaliya 1960-kii.

Maalintaas oo ku asteysan maalintii israaca labada gobol ee waqooyi iyo koonfur, iyo sidoo kale maalintii koonfurta ay Talyaaniga xoriyada ka qaadatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ” Farmaajo”, ayaa ka qeybgalay munaasad lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka.