Raysal wasaarada Denmark Mette Frederiksen oo soo saartay amarro la xiriira cudurka halista ah Coronavirus

Raysal wasaarada Denmark Mette frederiksen oo soo saartay amarro la xiriira cudurka halista ah Coronavirus

 

Raysal wasaarada Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in la xiri doono goobo badan laga bilaabo Arbacada 18-03-2020 Saacadu markey tahay 10:00 am.

waxaa jiri doona bandow lagu xirayo goobaha laysugu yimaado, sida centerada waaweyn ee laga dukaameysto, Goobaha Jirdhiska, Timo jarada, Makhaayadaha laga Qaxweeyo, meelaha Shiishadda lagu cabo, Diskoteekyada.

waxaa kale oo lagu sheegay shirkaas jaraa’d, in dad ka badan 10 meel isugu imaan karin oo ay mamnuuc tahay laga bilaabo 18-03-2020, qofkii dambigaas lagu helo la ganaaxi doono 1500 kr.

Raysal wasaarada waxay intaas raacisey in Supermarketyadu aysan ku jirin goobaha irdaha loo laabayo in mudo ah.