AUN Cabdinuur Maxamed Ismaciil: Ayaa lagu aasey qabuuraha muslimiinta ee magaalada Odense – Denmark 03-07-2020

AUN Cabdinuur Maxamed Ismaciil ayaa lagu aasey qabuuraha muslimiinta ee magaalada Odense

Waxaa 03-07-2020 qabuuraha muslimiinta ee magaalada Odense , lagu soo aasey allaha u naxariisto marxuum Cabdinuur Maxamed Ismaciil

Xabbad ay rideen kooxo gangistarro ah oo is cayrsanayay, ayaahaleeshay Cabdinuur.

Baaritaan dheer keddib, ayaa booliska magaalada Odense, caddeeyay in Cabdunuur uusan ka tirsanayn kooxahaas gangistarrada ah. Kuwaas oo boliisku garanayay badankood.

Aaskiisa waxaa ka soo qeyb gala dad fara badan oo isugu jirey Soomaali iyo ajaanib.

 

Markii lagu tukaday salaadda janaasada, ayaa la xabaalay.

 

AUN Cabdinuur Maxamed Ismaciil oo 31 jir ahaa waxaa uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee aad loogu jeclaa magaalada. Waxuu ka qeyb qaadan jirey barnaamijyada lagu horumarinayo dhallinyarada magaalada Odense.

Dhallinyaradu waa xoog ay ku faanto jaaliyad kasta oo urbaha ka dhisan, dhibka ku dhacayana, saamayn weyn ayuu ku yeeshaa jaalliyadaha.

Iyadoo aynu wada og nahay in geeridu xaq tahay, haddana waxaa lagama marrmaan ah in jaaliyaduhu sameeyaan wada dhaqayn iyo isku duubni, welibana ay wacyigelin iyo wargelino joogto ah u sameeyaan dhallinyarada iyo xataa carruurta, dumarka iyo waayeelka.

 

Wargeysyada ka soo baxa wadanka Denmark ayaa ku tilmaamey Cabdinuur inuu ahaa nin bulshay ah oo farxad badan.