Dowlada Denmark, oo sii kordhisey waqtiga uu soconayo bandowga cudurka Coronavius – Covid-19….

Dowlada Denmark, oo sii kordhisey waqtiga uu soconayo bandowga cudurka Coronavius – Covid-19

Dowlada Denmark, ayaa waxaa ay wadanka ku soo rogtay bandow laga bilaabo 21-kii bishan Diseembar, bandowgaas oo saameynayey dhammaan goobaha waaweyn ee Ganacsiga oo dhan , marka laga reebo goobo cayiman sida Dukaamada cuntada daruuriga ah gada iyo Farmashiyaasha.

Bandowgu , waxuu socon lahaa ilaa 3-da bisha Janaayo 2021, balse dowlada oo la kaashaneysa khubaradeeda dhanka cudurada faafa ayey waxay go’aansadeen in bandowga lagu sii daro 14 casho oo hor leh, taas oo macnaheedu yahay in bandowgu sii socon doono ilaa 17-ka Janaayo 2021. Dowlada waxay go’aankaas u gaareen  keddib, markii uu ka sii darey faafida cudurka saf marka ah ee Coronavius, waxaa wada xirnaan doona dhammaan Iskoolada, Xarumaha waaweyn ee laga dukaamaysto, timo-jarayaasha iyo meelo badan oo kale.

Wasiirka Caafimaadka Magnus Heunicke, waxa uu sheegay in mar waliba ay isha ku hayn doonaan sida faafida cudurka karoonaha bulshada dhexdeeda ku yahay.