Wasiirkii hore ee arrimaha Ajaanibta iyo isdhexgalkooda Inge Støjberg, oo dacwad lagu soo oogi doono…

Wasiirkii hore ee arrimaha Ajaanibta iyo isdhexgalkooda oo dacwad lagu soo oogo doono

Wasiirkii hore ee arrimaha Ajaanibka iyo isdhexgalkooda Inge Støjberg, ayaa waxay iska casishey jagadii Afhayeeno ee xisbigeeda bidix ( Venstre ) u haysay, is casilaadas waxaa ay ka dambeysey markii guddi dhawaan soo saarey baaritaan arrimo ku saabsana Ajaanibta dhallinyarada ah ee ka yar 18 sanno sharci lagu dhaqayey , ay caddeyeen inuu ahaa sharci daro.

Dadkaas dhallinyarada ahaa oo intooda badan ka soo jeeday wadanka Siiriya, ayaa waxay Denmark soo weydiisteen magangelyo, balse dadkaas oo wadanka markey qaxootinimoda weydiisanayeen sheegay inay yihiin dad isqaba, ayaa waxaa la kala geeyey meelo kala duwan.

Warku waxuu intaas ku darayaa in wasiiradii hore ee arrimaha Ajaanibka Inge Støjberg, ay iyadu bixinaysey amarka dadkaas isqaba lagu kala geynayo meelaha kala duwan.

Wasiiradu Inge Støjberg, waxay markaas ku andacoonaysey in wadanka Denmark ay sharci darro tahay dad 18 sanno ka yariney is guursadaan, balse guddi loo xilsaarey arrintaas, baaritaan dheer oo qaaday muddo  ku dhaw 3 sanno. Guddigaas ayaa waxay soo saareen gunaanadkii baaritaankooda, in ay arrintaasi ahayd meel ka dhac lagu sameeyey qoysaskaas isqaba, cidi amarkaas bixiseyna ay ciqaab muteysan karto.

Inge Støjberg, ayaa waxa ay isku ahayd Afhayeenka arrimaha shuruucda iyo Guddoomiye ku xigeen xisbiga bidix (Vendtre).