Odense: Cudurka karoonaha, ayaa si aad ah ugu fidaya magaalada Odense – Denmark

Odense: Cudurka karoonaha, ayaa si aad ah ugu fidaya magaalada Odense – Denmark

Magaalada Odense, waxaa ku sii fidaya cudurka kanoonaha, waxuu si gaar ah ugu sii fidayaa xaafadda Vollsmose oo ah goob ay u badan yahiin dadka Ajnabiga ah.

Fidida karoonaha ayaa waxuu batay todobaadkii lagu jirey fasaxa qaboobaha, halbeega lagu cabiro dadka qaba karoonaha ayaa kor u dhaafey 700.

Guddi gaar ah ayaa loo saarey inay ka talo keenan qaabka looga hortagi karo fidida xawliga ku socoda ee cudurka karoonaha uu ku hayo dadka Ajnabiga ee degan xaafadda Vollsmose, waxyaabihii ay soo jeediyeen in la qabto waxaa ka mid ah, in sare loo qaado baaritaanka lagu sameynayo dadka degan xaafadda iyo in la helo meelo ama goobo lagu karantiilo dadka laga helo.