Nin 44 sanno jir ah, ayaa lagu xukumay magaalada Odense keddib, markii 2 ilmood oo u dhalay dib ugu ceshay dalka Kenya iyo Somaaliya, ilmaha ayaa waxa ay sheegen intii ay afrika joogeen lagula kacey falal dambiyeedyo badan oo kala duwan sida, Kufsi, jirdil iyo Afduub.
Macalin ka shaqeyn jirey ilmaha iskoolki ay dhigan jireen intaan Afrika loo wadin, ayaa waxaa uu dawladda hoose Odense u soo direy warqad uu ku sheegayo inuu u walwalsan yahay ilmahaan.
Aabaha ilmaha dhalay ayaa dawladda hoose ku qaboojiyey inuu ilmaha fasax geynayo keddibne, uu soo celin doono balse aysan dhicin arrintaas. Mudada xukunkiisa ayaan weli la go’aamin.
Sahan Radio