Boliiska jasiirada Fyn, waxay baadi goobayaan nin isku dayey inuu gabar 13 jir ah gacmagacmeeyo…

Boliiska jasiirada Fyn, ayaa waxa ay baadi-goobayan nin isku dayey inuu gacmogacmeeyo gabar 13 jir ah, arrintaan waxay ka dhacdey maalinti khamiista ( Havnegade/bågøgade ) magaaladan Odense. Ninkaas ayaa waxaa uu isku dayey inuu gabadhaas gacmagacmeeyo balse, nasiib wanaag waxaa gabadha u suurto gashay inay goobtaas isaga baxsato iyadoo bad qabta, qadar yar dabadeed waxaas goobtaas soo gaarey ciidanka boliiska iyagoo markiiba bilaabey baadi-goobka ninka falkaas ku kacay.

Boliiska Fyn waxa ay baadi-goobayan nin Daanish ah, qiyaastii 25 jir ah, dhererkiisa 183cm, dhuubni xigeen, timahiisuna madow yihiin gaarayaana ilaa dhagaha. Hadaba qofkii arka ha la soo xiriiro Fyn Politi Telefon 114

Sahan Radio