hay’adda qaxootiga “UN”, oo sheegtay in gabar Soomaaliyeed lagu celin karo Soomaaliya…

Gabar Soomaaliyeed oo u dacwooday hay’adda UN qeybta Qaxootiga

Waxaa dhawaan maxkamadda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga dacwad geeyey qareen ay qabsatey gabar Soomaali ah oo 36 sanno jir ah,kuna nool wadanka Denmark, gabadhaas ayey dawladda Denmark kala noqotey sharcigii qaxootinimo sannadkii 2018,

Gabadhaas oo ahayd qof ayadu shaqeysata wax dhaqaale ahna aan ka qaadan dawladda Denmark, ayaa waxay ku muducaysay, in haddii dib loogu celiyo Soomaaliya ay kooxda Alshabaab dili doonaan, waxay kaloo sheegtay in dumar ahaan ay khatar badan ku galayso haddii Soomaaliya lagu celiyo, waliba waxay sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto abaaro baahsan.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan adduunka oo ay gabadhaas horey ugu dacwootey, ayaa go’aan ku gaarey, in dawladda Denmark xaq u leedahay in gabadhaas lagu celin karo wadanka ay ka soo jeedo ee Soomaaliya.