Waxaa maanta oo talaado 25.April maxkamada magaaladan Odense xukun 1o sanno xarig ah iyo Magdhaw inuu siiyo dhibanayaasha. Ninkaas ayaa la sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedodalka Soomaaliya.
Boliiska Fyn iyo Mudacayaashodu ku soo eedeyey inuu ilmihiisa ka afduubay Danmark dibna ugu ceshay Soomaaliya. Gabadha uu dhalay ninkaas ayaa waxay sheegtay in la soo guday, khasabna loo siiyey nin ka weyn oo aysan raali ka ahayn.
Aabahaas Soomaaliyeed ayaa maxkamada ka sheegay in waxa lagu eedeeyey aysan waxba ka jirin oo ay tahay wax xaaskiisi hore iyo Mudacayaasha ay dawladdu u soo diyaariyeen, uusan wax xumaan ah ku samaynin ilmihiisa. Isla markii xukunku dhacay waxaa uu xukunkaas ka qaatey Racfaan, markii ay wada tashadeen qareenkiisa.
Sahan Radio