Wasaaradda kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine, oo sheegtay in markab qamadi u soo direyso Soomaaliya

Wasaaradda kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine, oo sheegtay in markab qamadi u soo direyso Soomaaliya

Wasaaradda kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka Ukraine, ayaa sheegtay i shixnad markab raashin ah gaarsiin doonaan Soomaaliya. Dowlada Ukraine , ayaa horey ugu dirtay qamadi dalalka Yemen, Afghanistan iyo ethiopia iyadoo u sii marisey hay’adda WFP.

Dhoofinta wax soo saarka beeraha ee Ukraine, ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu bilowdey dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

dekedaha ku yaala badda madow, ayaa ahaa marinka uu raashinkani u sii mari jirey kaasoo isna ximey dagaalka awgiis. Waana sababta keentay sare u kaca cunada dunida iyo cabsida ku aaddan in Afrika iyo Bariga dhexe ay cunada ku yaraato.