Waxaa maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd 26-01-2023 lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimey, oo lagu xusayey Sannad-guurada 50-aad, aasaaskii Maktabada xaafadda Vollsmose ee magaalada Odense dalka denmark.
xafladdaas waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa furtay xafladda madaxa qeybta Maktbada xaafadda Vollsmose Dynke Jeppesen. Sodoo kale waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha qeybta dhaqanka iyo bulshada magaalada Odense Søren Windell.