Xuska sannad-guurada 10-aad ee cayaaraha toddobaadka Yurub, ayaa ka socda magalada københavn 23.-30 september 2025

Copenhagen: Cayaaro aad iyo aad u xiiso badan oo duwan oo lagu xusayo sannad-guurada 10-aad, markii la aasaasey cayaaraha toddobaad Yurub, ayaa ka socda caasimadda København ee dalka denmark

Cayaaraha toddobaadka Yurub, waxaa lagu casumey boqorka Denmark H.M. kongen frederik X , wasiirka dhaqanka Jakob Engel-Schmidt iyo madaxa midowga Yurub Dhaqanka iyo dhalinyarada Glenn Micallef.

Cayaaraha toddobaadka yurub, waxaa lagu furey , in qofkiiba uu tuuro 10 xabo oo kubada koleyga si loogu xuso sannad-guurada 10-aad ee cayaaraha toddobaadka Yurub. waxaana ku tartamayey boqorka Denmark H.M.kongen. Frederik X, wasiirka dhaqanka Jocob EngelSchmidt iyo madaxa dhaqanka iyo dhalinyarda yurub Glenn micallef.

Cayaaraha toddobaadka Yurub, waxay isugu jiraan cayaaro kala duwan sida kubada koleyga, qoob ka cayaar, cayaaraha fudud iwm. Taasoo ku dhiirigalineysa in dhalinyarada ka qeyb qaataan cayaarahaas kala gedisan.

Cayaaraha toddobaadka Yurub, waxay noqdeen wacyigelinta ugu fiican qaaradan yurub dadka ku nool ay ka helaan caafimaad guud, xagga jirka iyo mid maskaxeed.

Cayaaraha toddobaadka Yurub, markii la bilaabey sannadkii 2015, waxaa lagu qabtay 34 wadan iyo 7000 oo goob. Cayaaraha toddobaadka Yurub, sannadkaan 2025, waxaa lagu qabanayaa 42 wadan, iyo 35000 oo goobood. Waxaana ka qeybgelaya in ka badan 100 milyan oo qof.

” Jir caafimaad qaba, waxaa ku jirta maskax caafimaad qabta.”

Sahan Radio