.
Odense: Shalay oo ay bishu ahayd 21.11.2025 saacadu ay ku aadaneyd 10:00 barqanimo, waxaa kulan balaaran isugu yimid shirkadaha shaqooyinka bixiya iyo dadka shaqo laàanta ah magaalada Odense. Shirkadaha shaqo-bixiyaasha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qofkasta oo shaqo raba ay siinayaan shaqo, iyagoo fiirinaya xirfada qofka soo bartay taariikh nololeedkiisa (CVga), iyo waxa uu khibrad u leeyahay.
Shaqo ka dhigo shaqo-raadin;-
– Waa inaad maalin-kasta baadigoobtaa shaqooyinka la heli karo, xogta la xiriir waaxaha shaqooyinka haya, taasi waxay ku sahlaysaa inaad ogaatid meelaha shaqada laga codsan karo. waa inaad gashaa internadka oo aad raadisaa shirkadaha shaqooyinka ka banaan yihiin. shirkada waa inaad ogaataa shaqada ay qabato.
– Markasta aad heshid shirkada aad rabto in aad ka shaqeyso waa in aad ogaataa shirkada shaqada ay qabato, waxaana u qortaa arji waxaana raacineysaa taariikh nololeedkaaga (CVga).
Khibrad la’aan iyo Aqoon badan oo uusan qofka u lahayn shaqada, ayaa waxay keentaa mararka qaar caqabado inta uu ku jiro baadigoobka shaqada.
waxaa la bedelay magacii hore ee xarunta shaqada “Jobcenter Odense”, magaalada Odense, waxaana loo bixiyey Waaxda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,” Beskæftigelses- og Socialforvaltningen”.
kulankaas balaaran waxaa soo qaban-qaabiyey;-
Beskæftigelses- og Socialforvaltningen
Odense – Denmark
21.11.2025
Sahan Radio