Odense: Shalay oo ay taariikhdu ahayd 19.11.2024 waxaa lagu qabtay xarunta JYSKE BANK ARENA ee magaaladan Odense bandhig hurumarka xagga teknolojiyadda shirkadaha iyo doodo ay soo jeediyeen khabiiro ku takhasusey qeybraha kala duwan ee aqoonta teknolojiyadda.
Ardaydii ka socoday dugsiga Odinskolen, ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah Odin Young Award, keddib, markii ardaydii ugu horeysey oo ka socda dugsiga, iyagoo ku tartamayey magaca Odin Worriors, dagaal-yahanno Odin ay ka guuleysteen caruurtii iyo dhallinyaradii ka kala yimid dalal badan. Waxayna ku tartamayeen qeybaha kala gedisan ee teknolojiyadda.
Odinskolen ee magaalada Odense, ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta caalamiga Odin Young Award iyo abaalmarin lacageed iyagoo ka qeyb-gelaya xafladda IGNETE 2024. Waxaa guddoonsiisey bilada abaalmarinta iyo lacagta, siyaasiyadda magaceeda la yiraahdo Birgitte Nørrelund.
Magaalada Odense ayaa ugu fiican magaalooyin adduunka dhinaca teknolojiyadda Robotka (VERDENS BEDSTE ROBOTBY).
Hay´ada FLL”First Lego League, ayaa sannad kasta soo qabanqaabiya abaalmarino caalani ah. Ujeedada hayáda ayaa ah;-
– Aqoon caalami ah iyo tartan Teknolojiyadda loogu tala-galay caruurta 4 ilaa 6 sanno jir iyo dhallinyarada.
– Dhiiri-gelinta caruurta iyo dhallinyarada, in mustaqbalka noqdaan: Hal-abuurayaal, Cilmi-baarayaal iyo in ay xalliyaan dhibaatooyinka bulshada. sidoo kale caruurta iyo dhallinyarada waxay ka qeyb-galaan shirarka aqoonyahanno iyo saynisyahanno iyo farasoyaqanno.
(Science, technology, Engineering, Art iyo Math)
Sahan Radio