furitaan Xarun (Xafiis), ay ku shaqeeyaan ururada hawlo-hiwaayadeedka ragga

Waxaa taariikhdu markay ahayd 27-04-2023, ka dhacay magaalada Odense ee dalka Denmark, kulan ay isigu yimaadeen ururda Hawlo-hiwaayadeedka Ragga oo ka kala socday magaalooyinka København iyo Odense.

Kulankaas oo ku saabsanaa si loo furo goob ragga ay ku kulmaan oo ay isku caawiyaan, kuna sameysan karaan Hawlo-hiwaayadeedkooda kala duwan.

ugu dambeyntii waxaa la isku raacay in la hirgaliyo Xarun-(Xafiis), saldhigeeduna noqon doono “Respekt”, oo ku taal xaafadda Vollsmose ee magaalada Odense.

Sahan Radio