Inger Støjberg, ayaa sheegtay in mowqif adag ka taagan tahay xaafadda vollsmose

Odense: shay galab oo bishu ahayd 29.10.2025 waxaa xaafadda Vollsmose ee magaalada Odense booqasho ku timid Guddoomiyaha xisbiga Danmarksdemokraterne (DD), Inger Støjberg.

Guddoomiyaha xisbiga (DD), Inger Støjberg, ayaa sheegtay in xisbigeeda soo jeediyeen qorshe la yiraahdo Al Capone oo lagula dagaalamayo dambiyada, taas oo booliska, waaxda canshuuraha, maamulka bulshada iyo waaxda socdaalka si dhow u wada shaqeeyaan oo ay baaraan suurtagalnimada in dadkaas dib loo musaafuriyo.

Guddoomiyaha xisbiga (DD) Inger Støjberg, waxay intaasi raacisey in si adag ula shaqeynayaan arimaha qoyska. Waayo waxaa ay dowlada ka khasaariyeen hanti fara badan gaar ahaan xaafadda Vollsmose.

Sidoo kale musharaxa koowaad xisbiga (DD) qeybta magaalada Odense Dion Christoffersen, ayaa sheegay in ay xoojin doonaan ammaanka bartamaha habeenkii magaalada Odense.

Guddoomiyaha xisbiga (DD) Inger Støjberg, intii ay ku jirtay booqashadeeda Vollsmose Torv waxay warbixin ku saabsan waxyaalaha lagu qabto xarunta Respekt sida Shirarka Jaaliyadaha, Doodaha doorashooyinka, Taageerada xagga caawinta ardeyda iyo webshopyada ka dhageysaday mudane Kim Nielsen.

  • Waxaa socda ololihii doorashooyinka Degmooyinka iyo gobolada dalka denmark oo dhici – doonta 18.11.2025

Sahan Radio