Kooxda kubada cagta Fiuk oo 4-2 kaga badisey kooxda Morud IF

Cayaar xiiso badan ayaa dhemartay labada koox ee kubada cagta Fiuk iyo Morud IF oo ka wada tirsan Seria B magalada Odense ee dalka Denmark.

Qeybta hore ee cayaarta, markii ay socoday 10 daqiido waxaa u surtagashay in ay kooxda Fiuk in ay dhaliyaan goolkii koowaad keddib, waxay la wareegeen cayaarta daqiiqadii 34 waxay dhaliyeen goolkii labaad. Kooxda Morud IF daqiiqadii 43 waxay dhaliyeen goolkii koowaad waxaa lagu nastay qeybta hore 2-1

Markii qeybta labaad la isugu soo laabtay, waxa weerar is dabajoog ah lagu qaaday goolka kooxda Morud IF, waxaana u surtagashay kooxda Fiuk in ay dhaliyeen  gool 3-aad. daqiiqadii 67 waxay dhaliyeen goolkii 4-aad. Daqiiqadii 87 kooxda Morud IF waxay dhaliyeen goolkii 2-aad.

Cayaarta waxay ku soo gabagabowday 4-2 ay ku badiyeen kooxda kubda cagta Fiuk ( Fyns Internationale Ungdomsklub )