Shir looga hadlay barnaamijyada ku saabsan hawlo-hiwaayadeedka ragga

Waxaa taariikhdu markey ahayd 09.02.2023 ka dhacay magaalada Odense ee dalka Denmark, shir looga hadlaayey barnaamijyada hawlo-hiwaayadeedka ragga xiiseeya in ay qabtaan waqtiyada ay firaaqada yihiin.

shirka oo lagu qabtay xarunta BoligSocialt Hus ee magaalada Odense, waxaa hadafkiisu ahaa, in cilmibaaris keddib, ragga kala deggan xaafadaha kala duwan, loogu abuuri lahaa hawlo (i.eaktivetet) kala gedisan oo ay xiiseeyaan.

hawlaha shirk lagu soo qaaday, waxaa ka mid ahaa;-

– Qaabka loo kaluumeysto

– Sida doonyaha loo sameeyo

– Meelaha keymaha ah sida looga faaíideysto

– Cayaaraha kala duwan

– Dhirta la cuni karo iyo kuwa sunta ah.

Shirka waxa furey madaxa arrimaha bulshada iyo ka hortaga dambiyada mudane Cabdirashid Cabdi, waxaana uu sheegay;-

– In ragga ka qeyb gelaya mashruucaas aan loo fiirineyn wadanka ay ka soo jeedaan oo qof kasta oo xiiseynaya uu ka qeybgeli karo. Waxaa halkaas lagu casumi doonaakhabiirro ku takhasusay arrimahaas.

Sahan Radio