Shir looga hadlay barnaamijyada ku saabsan hawlo-hiwaayadeedka ragga

Waxaa taariihkdu markay ahayd 09.02.2023, ka dhacday magaalada Odense ee dalka Denmark, shir looga hadlayay barnaamijyada hawlo-hiwaayadeedka ragga xiiseeyo inay qabtaan waqtiyada ay firaaqada yihiin.

shirka oo lagu qabtay xarunta BoligSocialt Hus ee magaalada Odense, waxaa hadafkiisu ahaa, in cilmibaaris keddib, ragga kala deggan xaafadaha kala duwan, loohu abuuri lahaa hawlo (i.e.aktivetet) kala gedisan oo ay xiiseeyaan.

Hawlaha shirka lugu soo qaaday, waxaa ka mid ahaa;-

  • Qaabka loo kaluumaysto,
  • Sida doonyaha loo sameeyo,
  • Meelaha keymaha ah sida looga faa’iideysto,
  • Cayaaraha kala duwan.
  • Dhirta la cuni karo iyo kuwa sunta leh.

shirka waxaa furey madaxa arrimaha bulshada iyo ka hortaga dambiyada mudane Cabdirashid Cabdi, waxaana uu sheegay;- ” In ragga ka qeyb gelaya mashruucaas aan loo fiirineyn wadanka ay ka soo jeedaan oo qofkasta oo xiiseynaya uu ka qeyb geli karo. waxaana halkaas lagu casumi doonaa khabiirro ku takhasusay arrimahaas.

La xiriir

Abdirashid Abdi

Tel.+45 51442131

E-mail. abaa@boligsocialthus.dk