Shir looga Hadlayey Dhibaatooyinka Dadka waa weyn Ajaanibka ka heysta Hayádaha Caafimaadka Denmark

Shir looga hadlayey Dhibaatooyinka Dadka waa weyn Ajaanibka ka heysta Hayádaha Caafimaadka Denmark

Magaalada Odense, ayaa waxaa ka qabsoomey Shir/Siminar looga hadlayey Dadka waa weyn ee Ajaanibka ah ee ku nool wadanka Denmark Caqabadaha ay kala kulmaan Hayádaha Caafimaadka.

Shirkaas waxaa soo qabanqaabiyey hayádda magaceeda la yiraahdo Mino Talk oo ah urur daneeya horumarinta danaha Dadka soo galootiga ku ah wadanka Denmark. Shirka intii uu socday waxaa la is dhaafsaday doodo iyo suáalo.