Ururka ardayda soomaaliyeed SSO”Somalisk Studenterorganisation, ardayda ka faaíideysta jaamacaha dalka denmark

Odense: Maanta oo ay taariikhdu ahayd 14.09.2024 Ururka ardayda Soomaalida ee dalka Denmark SSO, ayaa ku soo bandhigay maktabada xaafadda Vollsmose waxbarasho kala duwan oo heer jaamacadeed ah, si ay ugu faaíideeyaan ardayda Soomaaliyeed fursadahaas oo ay ka qeyb-galaan.

Ururka SSO, waa aqoonyahanno dhallinyaro gabdho iyo wiilal oo takhasus weyn u leh waxbarashada qeybaheeda kala duwan ilaa 30 waxbarasho jaamacadood oo ku yaala dalkan Denmark.

Ururka SSO, waxaa ay ardayda cusub oo doonaaya in ay galaan waxbarashada u sharxeen sida ugu fudud oo loo buuxiyo sharuudaha iyo waxa looga baahan yahay arday kasta qeybta uu rabo inuu bilaabo iyo meelaha uu xaq u leeyahay in uu kaga shaqeysto waxbarashada uu soo bartay.

Madaxa qeybta gobolka Fyn ee ururka SSO, sakariye Shariif, ayaa sheegtay in aqoonta dhabta ah dadka siiso kalsooni buuxda, uu ku godo waajibaadka ka saaran noloshiisa.

Sakariye waxaa intaas ku raaciyey, in qofka wax barta in uu ku noolaanaayo sharaf iyo farxad. Dalku waxuu horumar gaaraa oo keliya marka ay jiraan dad wax u soo bartay. Ayuu yiri Sakariye Shariif

Sahan Radio