ururka En som os iyo hay’ada Natteravnede oo heshiiyey…

Odense – Korsløkkevej: Ururka En som os iyo ururo kale oo ka dhisan magaaladan Odense oo ka kooban 14 qowmiyadood, ayaa casuumad u fidiyey hay’ada wen Natteravnene si ay uga wada hadlaan wada shaqeyn dhaxmarta hay’ada Natteravnene iyo Ururada magaaladan Odense.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay la taliyaha hay’ada Natteravnene mudane Jacob Sollerup, waxa u ka sheekeeyey taariikhda hay’ada Natteravnene iyo ujeedada loo sameeyey. Wuxuuna intaas raaciyey, in ujeedada hay’ada Natteravnene yahay in ay caawiyaan dhallinyarada xoogaa isku buuqa keddib, marka uu kor u kaco xaraaradooda oo ay wadada dhexdeeda kula kulmaan iyagoo siinaya wacyigelin iyo waxa ay u baahan yihiin.

Intaasi waxaa uu raaciyey la taliye Jacob, in hay’ada Natteravnene ay ka shaqeyso dhammaan magaalooyinka wadankan Denmark. Sidoo kale waxay xarumo ku leedahay dalalka Yurub qaarkood.

Ugu dambeyntii hay’ada Natteravnene, ayaa balan qaaday in ururada magaalada Odense ka caawin doonto xagga farsamada iyo qalabka. Waxaa marka hore soo diyaarisaan 12 qof oo tababar la idiin siiyo. ayuu yiri Jacob Sollerup.

kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa mudane Abdirashid Abdi iyo Katrine Frederiksen, oo ka socday BoligSocialt Hus ee magaaladan Odense.

Sahan Radio