Xuska maalinta caalamiga ah cudurka Sonkorta ama Macaanka “ World diabetes day”, Odense -Denmark 14.11.2024.

. Odense: Maanta oo ay taariikhdu ahayd 14.11.204 waxaa xaafadda Vollsmose lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah cudurka Sonkorta ama Macaanka. Xuska ayaa sannadkiiba mar lagu qabtaa magaalooyinka dalka Denmark oo dhan. Waxaa bulshada loo sameeyaa wacyigelin kala duwan iyo dhaqdhaqaaqyo socod ah. Iyagoo koox koox isku raaca.

Sannadkaan waxa yimid xaafadda Vollsmose 5 qeyb oo waa weyn oo ka shaqeeya wacyigelinta, baaritaanada iyo in qofka qaba cudurka sonkorta u sameeyaan daryeel gaar ah, taas oo soo jiidatay dadkii deganaa xaafadda Vollsmose iyo dadkii ka adeeganayey suuqa weyn “CenterØst”, in ay safaf u galaan goobta uu ka socday baaritaanka qof kasta waxa uu rabey in uu ogaado heerka sonkortiisa mareyso iyo guud ahaan xaalada caafimaadkiisa oo dhan.

Nasteha Ali, oo ka socoday “Steno Diabetes Center Odense”, ayaa sheegtay waxa sababa cudurka sonkorta uu yahay marka jirka uusan burburin karin dhammaan sonkorta “Glucose” ee dhiigga raaca. Cudurka sonkorta waa cudur halis ah, waxa uu keenaa;

. Wadnaha oo istaaga, Indho beel, iyo Kelyaha oo hawlgab noqda. Waxaa lagaga baahan yahay i aad isbedel    ku sameyso hab-nololeedkaaga iyo in aad sameysid jimicsi maalin kasta sida socod iwm. Ayey tiri Nasteha    Ali

Calaamadaha lagu garto cudurka sonkorta;

. Harraad badan, Kaadi badan, Daal, Araga oo laciif noqda, Miisaanka oo dhaca iyo Dhaawacyo aan     bogsaneyn.

Isticmaal cuntooyinkan, haddii aad qabto cudurka sonkorta;

. Qamadi, Salbuko, Hilib cad, Digir iyo biyo caadi ah.

Goobta lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah cudurka sonkorta ama macaanka, waxaa goob joog ahaa;

– Nasteha Ali, oo ka socoday “Steno Diabetes Center Odense”

– Igne Jørgen, oo ka socoday “Diabetesforening”

– Louise Simonson, oo ka socoday “Center for Sundhed og Forebyggelse”.

Maalinta caalamiga ah cudurka Sonkorta ama Macaanka, waxaa la aasaasey sannadkii 1991

Sahan Radio